XOG CULUS: Axmed Madoobe Oo Qorshe Aar Gudasho Ah U Diyaarsaday Kheyre & Farmaajo

0
172

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu diyaarsaday Qorshe uu Aar gudasho ugu sameenayo Dawlada Dhexe madaxdeeda.

In la hor istaago safarkiisa Garbahaareey waxaa ka dambeysay Dawlada Dhexe,waxay ku bixisey Lacag in Reer Gedo diidaan socdaalkiisa.

Dawlada Itoobiya ayaa sida la og yahay xitaa lagu Eedeeyey inay soo fara gelisey iyadoo Dawlada Soomaaliya ku taageereyso sidii looga adkaan lahaa ama Kursiga looga kicin lahaa Axmed Madoobe.

Balse waxaa Qorshe aan la fileyn diyaarsaday Axmed Maxamed Islaam,isagoo dhinaca Dekada Kismaayo ka bilaabaya Daabulida Dhuxul badan si ay dhaqaale uga soo xarooto.

Dawlada ayaa isku dayi doonta inay hor istaagto,balse waxa uu heystaa dhiil ama heshiis uu Kenya lasoo saxiixday si ay udifaacdo markii Dawlada ay soo hujuumto si cad maamulkiisa.

Ilo wareed Xoghoose.com ka heshay Kismaayo ayaa kuwaramaya in Xeryaha Ciidanka waayahaan la arkayey Dhalinyaro badan oo Jufada Axmed Madoobe oo Askar qoranaya.

Waxay umuuqataa inuu sameyn doono is difaacid,waxaa laga yaabaa inuu muddo kororsi sameysto,waxa uu diidi doonaa Laaluush inuusan tartamin sida Shariif lagu Eryey.

Dagaalka Dawlada ayaa waxay hadda ka fekireysaa meesha ay ku hor mari laheyd kadib Ceerintii Shariif Xasan,Heshiiskii ay ka saxiixdeen Waare oo HirShabelle Hogaamiya.

Labo midood ayey ku jahwareertay Ma Xaaf mise Madoobe?

Axmed Ducaale Xaaf iyo Axmed Islaam Madoobe Labaduba Qaado Qaboow Maaha Balse Ciidan iyo dad dhiig leh difaaci kara waxaa heysta Axmed Madoobe.

Qorshahaan Aar gudashada Ee Madoobe uu wado waxaa laga yaabaa inay sababi karto dhiig daata,waxa uu hawada soo marinayey hadalo xanaf leh waayihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here