XOG: Kheyre oo ka Carooday Labo ka mid oo sameyay arin yaab badan

0
186

Warar hoose oo ay heleyso Shabakada Xoghoose.com ayaa sheegaya in khilaaf cusub uusoo kala dhex galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Qaar ka mid ah wasiiradiisa kadib markii Kheyre uu ogaaday arrimo siyaasadeed oo ay ku lug yeesheen.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka xumaaday Labo ka mid ah Golahiisa Wasiirada markii ay faragalin ka madax banaan Nabad iyo Nolol ku sameeyeen Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed.

Wasiiradan ayaa la sheegay inay u ololeynayeen sidii sidii dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha iyo Musharax aysan dooneyn Dowlada Federaalka.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa inoo sheegay in Wasiiradan oo Labo ah la diiday inay Magacyadooda banaanka usoo baxaan maadaama la doonayo in xilalka laga qaado iyadoo la qarinayo in la ogaado sababta ka dambeysay xil ka qaadistooda.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si joogta ula socda dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ay ku lug yeeshaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiiradda wuxuuna cadaadis ku saaraa inaysan qaadin Talaabooyin ay wax ka ogeyn Madaxda Dalka.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku hungoobay faragalintooda Doorashada Baydhabo, iyadoo Xukuumadda Kheyre ay ka shaqeyneyso sidii doorasho ay Dowlada maamuleyso ay kaga dhici laheyd Baydhabo, waxayna taasi u suurta galin kartaa Nabad iyo Nolol inay si fudud xilka ku helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here