CC Shakuur oo faallo ka qoray Isbahaysiga sedex geesoodka

0
109

Waxaan Itoobiya booqday sanadihii ugu horeeyey ee ay talada dalka la wareegeen ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Maadaama ay Jabhadu doonaysay in ay gacanta si buuxda ugu dhigaan talada iyo awoodd dalka waxay soo dhowaysteen qowmiyadaha ay is lahaayeen waad garabsan kartaan, Soomaalida si wayn ayey u soo dhoweeyeen. Waxaan xusuustaa Meles Zenawi oo Soomaalida ka difaaca qowmiyadaha kale gaar ahaan Amxaarada ka yureeya, baasaboorka Soomaaliga la soo baxa. Hadal haynta ugu badan ee xilligaa socotay waxay ahayd Itoobiyada cusub. Waa laga xoroobay kaligii taliskii nidaamkii Dergiga ee Mingiste. Meles kuma ekayn oo keli ah in uu kasbado shacabka Soomaali Galbeed ee wuxuu isku deyey in uu shirar dib u heshiisiin u qabto Soomaaliya. Shirkii 1993 lagu qabtay Addis Ababa ayuu isku keenay dib u heshiisiinna u qabtay koooxaha Soomaalida. Waxaan xusuustaa Dr C/majiid Xuseen oo leh hoteelka ay ku shirayaan ka sii dayn mayno ilaa ay ka heshiiyaan. Jabhaddii TPLF markii ay talada dalka Itoobiya gacanta si buuxda ugu dhigtay waxaa gebi ahaanba is beddelay siyaasaddii soo jiidashada ee furfurnaanta iyo dabacsanaanta ku dhisnayd.

Abiy Ahmed

Abiy Ahmed iyo qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo waxay ku cusub yihiin hoggaanka talada dalka. Waxay ku jiraan xilligiifurfurnaanta iyo soo-jiidashada qowmiyadaha kale. Xilligii uu Zenawi iyo qowmiyadda Tigreegu talada dalka qabteen waxay maquuniyeen oo awooddii ay lahaayeen wiiqeen Amxaarada oo ahayd qoladii uu Mengistu Haile Mariam ka dhashay. Waxay ku guuleysteen in dhammaan qowmiyadihii kale ay ku abaabulaan Amxaarada, una tusaan in ay yihiin cadawga koowaad ee mudan in Itoobiya laga qabto. Amxaaradii waxay noqdeen Tuke caanbaar lehoo cid walba il xun ku eegto ilaa ay magaca qowmiyaddooda la gabbadaan.

Hataan qowmiyadda uu Abiy Axmed u arko in caqabad wayn ku yihiin xukunkiisa waa qoladii 28-kii sano ee tegey talinaysay waa qowmiyadda Tigreega. Oromo waxay isbahaysi galeen Amxaarada oo ay haatan isku cadaw yihiin. Wuxuu kaloo Abiy soo dhowaystay Asias Afawerki oo qowmiyad ahaan Tigree ah laakiin hoggaankii TPLF ay cadaawad xooggani u dhaxaysay. Wuxuu kaloo dabacsanaan iyo furfurnaan kula dhaqmayaa Soomaalida oo hataan dawlad u dhisan tahay haba taagdarnaatee

Abiy Axmed waxaa haysta Caqabado badan oo hataan ka mashquulinaya in uu dibadda soo dhigo siyaasadda dhabta ah ee uu Soomaalida Galbeed iyo Soomaaliya-ba kula dhaqmayo.

Xukun Xajin 

Abiy weli uma suuragelin in aawoodda dalka gacantiisa soo wada gasho. Weli gacanta kuma hayo hoggaanka qowmiyaddiisa Oromada iyo guud ahaan ururka EPRDF oo ah xisbiga talada dalka haya oo ay ku midaysan yihiin qomiyadaha Amxaarada, Tigreega, Oromada iyo Iskutaga qowmiyadda Koonfureed.

Qowmiyadda Oromo waa qawmiyad aad u qaybsan. Waxay leedahay kooxo kala aragti iyo hoggaan duwan. Shan koox ayaa ugu wayn .

Kooxda uu hoggaamiyo Merera Gudina oo ah Oromo Federalist Congress (OFC). Waxaa kaloo jira Oromo Democratic Front, (ODF) oo uu hoggaamiyo Lencho Letta. Waxaa kaloo jira Oromo Liberation Front (OLF) oo uu hoggaamiyo Dawud Ibsa. Waxaa kaloo jira kacdoonka dhallinyarada oo la yaqaan Qeerroo oo uu hoggaamiyo Jawar Mohammed. Iyo kooxda uu Abiy hogaamiye oo horay loo oran jiray Oromo Peoples’ Democratic Organization (OPDO), laakiin haatan la baxay Oromo Democratic Party, (ODP). Markii uu Hailemariam Desalegn is casilay ayaa si uu Abiy ugu tartamo hoggaanka ururka EPRDF, waxaa xilka OPDO uga tanaasulay Lemma Megersa oo ah Madaxweynaha Kilinka Oromada.

Shantaas koox ee Qowmiyadda Oromada ka soo wada jeeda weli ma midaysna mana laha hal aragti oo Itoobiya lagu hoggaamiyo, laakiin waxay ka midaysan yihiin in fursadda taariikhiiga ah ee qowmiyada Oromada soo martay lagu mitido oo aysan faraha ka bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here