ITOOBIYA oo rabta in ay siyaasad kula wareegto Somalia (7 arrin dartood)

0
110

Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Soomaalidaa oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad marka loo yaabo in la qabsado waa:

1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn.

2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed.

3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur.

4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Soomaaliya iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin.

5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado.

6. Marka iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysato dhul iyo dad Somaliyeed ay khatar ku noqoto inta xorta ah lagana gilgilanwaayo.

7. Sida lala wada socdo waxay Dawladda Imaaraadka Carabta ku maalgelinaysaa 3 bilyan oo doolar dalka Itoobiya si ay Itoobiya ugu fududayso qabsashada Soomaaliya. Arrintan waxay Imaaradku kaga aargudanayaan markii dhawaan laga caydhiyay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here