Xog laga helay Qaabka Al shabaab u dishay Abuu Anas Al Misri iyo rag kale

0
262

Al shabaab ayaa degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe ku dilay rag ka tirsanaa Kooxda oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Khilaaf iyo kala shaki dhexdooda uu sababay in la dilo ragan.

Abuu Anas Al Misri oo Masar u dhashay ayaa ku jira raga la dilay, waxaana wararku ay sheegayaan in Maleeshiyada ay kaga shakisay inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish.

Waxa ay isku xireen Ragga la dilay Masjid ku yaal Jilib, waxaana ay diideen inay isdhiibaan markii la soo weeraray, halkaas ayaana lagu dilay sida ay noo sheegeen Goobjoogayaal ku sugan degmada Jilib.

Dhawaan Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta Kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here