BIG NEWS:-Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe oo Diyariyay Qorshe Yaab Badan

0
129

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mudane Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ah Senaterada Aqalka sare horena usoo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay Dowlada Imaaraadka u bandhigeen qorshe cusub oo ay ugu wareejinayaan Dekada Magaalada Kismaayo.

Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa inay laba jibaarto Dhuxusha faraha badan ee sida suuqa mugdiga kaga dhoofsato Dekada Kismaayo, iyadoo Cumar Cabdi Rashiid uu u bandhigay Axmed Madoobe qorshe Hay’ad laga leeyahay Imaaraadka Carabta loogu wareejinayo Mashruuc Dhuxul Dhoofin ah oo lacago Malaayiin Dollar ay ku qaadanayaan.

Cumar Cabdi rashiid oo ka mid ah Masuuliyiinta ugu saameynta badan ee kasoo horjeeda siyaasadda uu dalka kaga taliyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qorsheyaal uu Dowlada Imaaraadka kaga dhaadhicinayo inay ka taageerto Maalgalinta Tartanka Doorashada Madaxweynaha Puntland uu ka mid noqon doono Musharixiinta sida dad u dhow ay sheegeen.

Dhinaca kale Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota Heshiisyada qarsoon ee Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin Maamul Gobaleedyada la galaan Dowlada Imaaraadka laakiin waxay ka hortagtaa fulintiisa.

Axmed Madoobe ayaa doonaya inuu helo dhaqaalo uu kaga maarmo lacagihii kaga imaan jiray Dowlada Soomaaliya oo laga joojiyay tan iyo markii Maamul Gobaleedyada ay xiriirka u jareen Dowlada dhexe, wuxuuna doonayaa inuu Dowlada Imaaraadka Mashaariicyo waa weyn u bandhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here