War Deg Deg Ah: Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo War La Fileyn Kasoo Kordhay

0
140

Waxaa Warar ay Heshay Xoghoose.com xaqiijinayaan in dib udhacday Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ee la filayey inay dhacdo 17 Bishaan.

Xalay waxaa kulan Saacado qaatay uu ku dhexmaray Baydhabo Sii hayaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Xubno katirsan Gudiga Doorashada.

Waxa laga hadlayey sida ugu macquulsan ay Doorashada udhici karto xilli aysan ilkaaniyaatkii aysan dhameystirneyn.

Doorashada oo sabtida la filayey ayaa waxaa la sheegay in ay dib uga dhici doonto 10 Cisho sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Maanta ayaa lagu wadaa in la shaaciyey dib udhaca Doorashada oo dib loogu dhigayo 27 Bishaan inay qabsoonto lana soo magacaabo xubnaha gudiga doorashada ee booska ay baneeyeen Xubnihii is casilay 7 Bishaan.

Warar kale ayaa sheegaya in Murashaxiinta Xildoonka ah ay shaki ka qabaan in ku shubasho ay dhacdo oo Dawlada Dhexe galaangalkeeda uu saameyn ku yeesho doorashadana aysan xor iyo xalaal ku dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here