XOG DHAB AH:-Daacish oo diyaarisay qorshe argagax ku ah shacabka Muqdisho

0
88

Waxaa Kooxda Daacish faracooda Soomaaliya kusoo daadiyeen Muqdisho Amniyaat-kooda islamarkaana ay weeraro qorsheysan fulinayeen.

Xoghoose.com ayaa heshay Xog ah in Kooxda Daacish ay lacago badan weydiisteen Shirkadaha waa weyn Ee Ganacsiga balse qaarkodo ay ka dhego adeegeen.

Daacish waxa ay Lacag badan oo Hal Milyan Dollar ku dhaw ay weydiisteen Shirkada Hormuud,balse ay ka biyo diideen dalabkaasi.

Xog la ogaaday ayaa sheegeysa in Shaqaalaha Hormuud ay cabsi badan soo foodsaartay,iyadoo shalay labo shaqaalaheeda ah lagu dilay Baar ubax ay Daacish ka dambeeyeen baaritaan la ogaaday.

Dawlada Soomaaliya ayaa Hormuud ay ugudbisey kiiskaan iyadoo Howlgal la sameeyey isla xalay lagu soo qabtay Sargaal sare oo katirsan Daacish qeybtooda Dhaqaale Uruurinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here