XOG: Xasan Sheekh oo ka Carooday Cadaadis ay ku hayaan Farmaajo & Kheyre

0
134

Xog gaara oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaysa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka carooday cadaadis Madaxtooyada Soomaaliya ay ku heyso Xisbiga uu hoggaamiyaha u yahay.

Xisbiga “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda” ayaa waxaa ku mideysan Xisbiyo dhowr ah iyo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Damu-jadiid, waxaana hoggaamiye u ah Ex-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamed.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku jira xisbigan ayaa ku wargaliyay Xasan Sheekh in qaar ka mid ah Hotelada waa weyn ee ku yaala Magaalada Muqdisho ay Madaxdooda Villa Somalia ku wargalisay in kulamo abaabul ka dhan Dowlada Federaalka aan lagu qaban karin, iyadoo si cad loogu sheegay in Xisbiga “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda” aysan Shirar Dowlada la socon ku qaban karin Hoteladaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa siyaasad adag kala hortaga Mucaaradka kasoo horjeeda Dowlada waxayna dhowr jeer hore qaadeen dhowr qorshe oo lagu cadaadinayo kuwaasoo qaarkood banaanka usoo baxay halka kuwa kale si qarsoodi ay Dowlada u fulisay.

Xubnaha Xasan Sheekh la wadaagtay eedeynta ayaa carabka ku dhuftay in mid ka mida Hotelada waa weyn ee Muqdisho Kulan ay qabsan rabeen Madaxdii Hotelkaasi loo sheegay in shirkaasi uusan ka dhici karin Hoolka Hotelka, waxaana amarkaasi uu ka baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ex-Madaxweyne Xasan ayaan  la ogeyn Talaabada uu qaadi doono maadaama uu ka xumaaday falkan, waxaana uu hore u sheegay in Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ku liidato Dib u heshiisiinta iyo Wada shaqeyn ay la yeelayo siyaasiyiinta iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here