Feysal Cali Waraabe oo kashifay Heshiiska Ethopia,Somalia,Eretaria Inuu yahay…

0
164

Siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa ka mid ah Xubnaha ugu miisaanka culus Siyaasada Soomaaliland,waxaana uu yahay af miishaar aan fikirkiisa qarsan.

Xitaa Xafladaha Meherka iyo Arooska ayaa markii lagu casuumo uu kusoo bandhigaa aragtiisa siyaasadeed iyo waxa khaldan ee isaga uu u arko.

Feysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCIS ayaa waxa uu ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Waxa uu feysal sheegay inay waxba soo kordhineyn Heshiiska ay kala saxiixdeen Dawladaha Soomaaliya,Ereteria iyo Itoobiya.

Heshiiskaan ayaa waxa ay Soomaaliland u aragtaa mid caqabad ku ah Qaranimo raadiskeedii,isagoo dhinaca kale ka jawaabay Muuqaalkii laga duubay Farmaajo Ee Heshiiskii Waddamada Gobolka uu kaga hadlayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here