Magaalo Aysan Raggeeda Banaanka Usoo Bixin,Warbixin Cajiib Ah (Akhriso)

0
152

Waxa aan ku noolnahay cabsi iyo argagax ku saabsan dagaallada ka socda Bamenda. Magaaladan ayaa horay u ahayd meelaha ugu nabadda badan ee dalka Cameroon, balse hadda waxa ay noqotay xarun dagaal oo ay ku hardamaan ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka oo dalbanaya madax banaani ay helaan dadka ku hadla luuqadaha ay ku hadlaan kuwa lagada tirada badanyahay.

in ka badan kala bar bulshada ku nool magaaladan oo gaaraya ilaa 400,000 oo ruux ayaa ka barakacay guryahooda.

Dibadbaxyo ayaa ku soo badanayey waqooyi bari iyo gobolka Koonfur galbeed.

Hadda, dhawaaqa madaafiicda ayaa noqday wax caadi u ah carruurta laba sano jirka ah, maydadka ayaa yaala jidadka Bamenda, oo ah magaalada ay ugu badantahay bulshada ku hadasha luuqadda Ingiriiska.

Afduubyo badan

Ciidamada ayaa tuhma dhalinyarada qaar kuwaas oo aysan badanaa jaclaysan sida ay timaha u jartaan ama ay u dhaqmaan. Waxaa la aaminsanyahay inay magaalada yimaadaan ka ddib marka uu milateriga tobabarada ku siiyo baadiyaha.

Ciidamo hubaysan ayaa magaalada Bamenda iyo nawaaxigeeda ku haraaraysan. Qaar ka mid ah waxaa laga dhigay dagaallamayaal, iyadoo qaar kalana ay yihiin dambiilayaal is bahaystay.

Mar walba ma cadda wax yaabaha ka dambeeya weeraradan, balse waxaa jira afduubyo badan oo loo gaysto carruurta ardayda ah, siyaasiyiinta iyo madaxda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here