Sargaal U Shaqeenayey Shirkada Hormuud Oo Maanta Mar Kale Lagu Toogtay Muqdisho & Cabsida Oo Sii Korortay

0
140

Waxaa Maanta koox hubeysan ay ku dileen Degmada Warta Nabada Ex Wardhiigleey Qof Shacab Ah iyadoo warar dheeraad ah kasoo baxayaan dilkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah kaas oo la sheegay in Bistooladleey ayaana dilka fuliyey.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa baxsaday kadib dilka,waxaana lasoo warinayaa in muddo xaaladu kala carar aheyd.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo xaqiijiyey in marxuumka uu ushaqeynayey Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Qeybteeda Laba Dhagax.

Faah faahinada la helayo ayaa sheegaya in cabsida ay sii korortay oo shaqaalaha Hormuud soo food saartay,labo ka mid ah Shaqaalahaas ayaa la dilay Dhawaan Xarunta Baar ubax ayey ushaqeenayeen.

YAA KA DAMBEEYA DILKA LAGU UGAARSANAYO SHAQAALAHA HORMUUD?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here