Shabaab soo Bandhigay Magaca iyo Qabiilka Oday ka mid ahaa Ragii isku Qarxiyay Hotelka Saxafi

0
165

Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee ka tirsanaa Shantii nin ee weerarka ku qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Ninkaan ayaa wareysi laga qaaday ka hor inta uusan ku dhiman weerarkii Hotel Saxafi, wuxuu ku sheegay ujeedada dagaalkiisa inay tahay naafeynta waxa uu ugu yeeray cadowga.

Mukhtaar Maxamed Ibraahim (Qeys) oo sidoo kale loo yaqaano (Saalax Salagle), ayaa qabiilkiisa wuxuu ka soo jeedaa Beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada coolyahan, wuxuuna dhashay 1969, isaga oo Shabaab ku biiray 2011, da,diisa waxa ay aheyd 47 sano jir.

Ninkaan ayaa muddo ka tirsanaa Ciidamada Shabaab, isaga oo markii dambe go,aansaday ku biirista qaybta qaraxyada Shabaab, ugu dambeyna dad badan laayay

Weerarkii dhacay Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa loo adeegsaday saddex gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Hotelka lagu weeraray, iyadoo Shan nin oo Shabaab ah u suurageli wayday inay galaan Hotelka kadib markii la toogtay.

Weerarkaasi Shabaab waxa ay Ku dileen 52 ruux oo Shacab ah, halka ay ku dhaawaceen 106.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here