Toogasho Ka Dhacday Magaalada B/weyne Nabadoon Caan Ahaa & Saaka Oo La Sheegay Inay…

0
67

Wararka inaga soo gaaraya magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay fiidkii uu magaaladaas ka dhacay Dil Koox Hubeysan Geysteen.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafada Howlwadaag Ee Galbeedka Magaalada waxaana la dilay Nabadoon Cusmaan Yuusuf Ciileey oo caan ahaa.

Nabadoonka ayaa allaha unaxariistee xilliga la dilayey wax yar ka hor kasoo baxay Masjid uu salaadii Cishaha kasoo baxay,iyadoo gacan ku dhiiglayaasha ay baxsadeen dilka kadib.

Ilaa hadda lama oga sababta loo khaarajiyey marxuumka,waxaana saaka magaalada B/weyne ka socda Howlgal ciidamada Amniga ku raadinayaan kooxdii dilka geysatay.

Ma ahan mid ku cusub dil Nabadoon loogu geysto B/weyne sidaan oo kale ayaa hore dilal ay uga dhaceen Isla Caasimada Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here