Ururka Al Shabaab Oo Xog La Fileyn Kasoo Saaray Weerar Ay Ku Qaadeen Ciidan Itoobiyaan Ah Oo Marayey…

0
77

Ururka Al Shabaab ayaa war ay soo saartay waxay faah faahin uga bixisay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Deegaanka Daynuunaay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidan katirsan AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda Dalka Itoobiya ay weerarkaasi la kulmeen xilli ay marayeen inta udhaxeysa Baydhabo iyo Daynuunaay.

Ciidanka la weeraray waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ka yimid Baydhabo kuna sii jeeday Saldhigooda Buur hakaba oo sahay ay usideen Balse Dagaalyahanada Al Shabaab ay wadada ugaleen.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in labo gaadiid oo Uuraalada Itoobiya Isticmaalaan la gubay kadib qaraxyo lala Eegtay,khasaaro dhimasho iyo dhaawacna Askarta gaarsiiyeen.

Ma heyno war ka baxsan sheegashada Shabaab Ee ku aadan in ay Gaadiid gubeen iyadoo marar badan sidaan oo kale ay udhaceen weerar lagu ekeeyey Ciidan Itoobiyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here