Col. Gebre Alemseged oo “xabsiga loo taxaabay”

0
145

Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u baqaan Jeneral Gebre ayaa lagu warramaya in xabsiga loo diray, sida ay baahisay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya.

Taleefishinka ESAT ee dalka Itoobiya ayaa shalay baahiyey in Gebre laga qabtay oo lagu xiray duleedka magaalada caasimadda ee dalka Ethiopia.

Sida taleefishinka uu baahiyey, Gebre ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya iyo inuu hub ka iibiyey kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia weli si rasmi ah uma xaqiijin warkan. Sidoo kale, Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto. Si kstaba, madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Gebre la xiray, waxaana qoraal arrintaas ku saabsan bartiisa twitter-ka soo dhigay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed.

“Waa war wanaagsan in kolonaylkii caanka ahaa ee Gebre lagu xiray Itoobiya. Waa nin muddo fog ku lug lahaa faro-gelinta iyo arbashaadda Soomaaliya. Xarigiisa waxa uu muujinayaa in Itoobiya ay ka go’an tahay xasiloonida Geeska Afrika” ayuu yiri Cabdinuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here