Maxaa ka Suurtagal ah isbahaysi isir oo Oromo iyo Soomaali dhexmara?

0
375

Isu dhawaanshaha kasoo muuqday waddamada Geeska Afrika wuxuu dhaliyay su’aalo badan. Sababaha riixayo ayaa siyaabo kala duwan looga faallooday ruux walbana meel la aaday. Dadka arrintaas wax ka yiri waxaa ka mid ahaa aqoonyahan sare oo Kiinyaan ah lagu mgacaabo Peter Kagwanja kasoo aragtidiisa lagu daabacay wargayska afka dheer ee Daily Nation ee kasoo baxo Kiinyo. Aragtidi Peter waxaa soo guuriyay wargaysyada Soomaalida. Qaar waa turjumeen qaarna iyadoo sideedi u qoran ayay soo rareen.

Waxaan jeclaystay inaan wax ka iraahdo qormadaas oo si laablakac ah loo faafiyay dad badanna u riyaaqeen. Waxaan doortay inaan Afsoomaali ku qoro waayo cidda aan rabo inay farriintaan gaarto maahan qoraaga ee waa dadka soomaaliyeed ee farriinta liqay. Iskuma dheerarinayo aqoonyahaankaas waxaana qirayaa inaan khibrad iyo aqoon midna ku gaarin. Laakiin taasi ii diidi mayso inta aan aqaan iyo meelaha aan leeyahay ma uusan asiibin inaan wax ka iraahdo.
Peter wuxuu ku dooday in kacdoonka socda uu yahay mid ku salaysan isir wadaag. Qabaa’illada Soomaalida iyo Oromoda iyo kuwa yaryar ee iyaga soo raaco ee la isku yiraahdo Kushiti ayuu sheegay inay isu bahaysanayaan hoggaaminta Geeska Afrika. wuxuu intaas ku daray inuu horay u jiray isbahaysi u dhaxeeyay Amxaarada iyo Bantuuga kaasoo geeska lagu galiyay kushutiga. Bantuugu waa Afrikaanka sanka weyn halka Kushitugu yahay midka sanka dhuuban. Farqi kale oo u dhexeeyo ma jiro oo waa wada afrikaan isku qaarad daggan.
Waxaan qabaa inuusan dhici karin is bahaysi noocaas oo dhexmari karo Oromo iyo Soomaali. Sidoo kale heshiishki u dhexeeyay Kiinya iyo Itoobiya ee aqoonyahaanku uu ku fasiray inuu ahaa isbahaysi Amxaaro iyo Baantuu isna sax maahan ayaan qabaa.
Marki ummadi uu dhex marayo isbahaysi waa inuu jiraa codow muuqda iyo dano mideeyo oo isu keeno kuwaasoo ilowsiiya khilaafka dhexdoodah. Marki la helo cadowgaas dhextaalka ah ayaa la isuu yimaada lagana tashadaa sidii loo wajihi lagaa cadowgaas inta mugdiyadii soo jireenka ahaa meel la iska dhigo. Tusaale, isbahaysiga Nato loo yaqaan ee ay midaysanyihiin waddamada ree Galbeedku wuxuu ku dhisanyahay wada-ilaashiga mabda’a hantigoosadka iyo hoggaaminta dunida.

Dalalki cadowga isu ahaa sida Faransiiska iyo Jarmal ayaa ku wada jira. Wixii u dhaxeeyay meel ayaa la dhigay waxaana loo midoobay iska caabbinta shuuciyadda faafaysay. Mar walba oo cadowgaas meesha ka baxo waa in la helaa mid kale oo loo jeesto si la isugu hayo isbahaysiga. Tusaale, marki uu dhammaaday dagaalki qaboobaa ee looga adkaaday isbahaysigi Warsaw waxaa la abuubulay midki lagu qaaday islaamka ee loo bixiyay ‘la dagaallanka argagixisada’. Hal ku dhigga dagaalkaan wuxuu ahaa in kooxaha islaamiyiintu duullaan ku yihiin mabaadida iyo qiyamka ree Galbeedka. Hadda oo uu kaas sii dhammaanayo waxaa la shidayaa mid ku jihaysan Shiine. Ujeedku waa oraahdi Cali Shirwac.

Hoggamiye noolaa qiyaasti qarnigii 18aad oo lagu magacaabi jiray Cali Shirwac Ugaas Sharmaake ayaa beshiisa aad u dagaal galin jiray. Marki nabad la helo oo ayaan reeruhu nastaanba beel nabad lala ahaa ayuu guluf ku qaadi jiray. Waxaa lagu yiri dadki waa go’aye maxaad dagaal aan loo baahnayn u abaabushaa?  Wuxuu ku jawaabay “tolkay waa ari xagaa joogo, ari xagaa joogana qulux ayaa lagu raacaa haddii kale wuu kala lumi”. Cali hadalkaas wuxuu ula jeeday in haddii beesha uu hoggamiyo codow ay u midowdo ay waydo inay iyaduy isku soo jeesanayso. Falsafaddaas odaga ree yimiga ah ee soomaaliyeed waa hore yiri waa mid waa hore iyo mid danbaba lagu dhaqmo.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayaa soo jeediyay in la helo cadow ka bannaanka ah aadanaha si aadanaha oo dhan hal dhinac u maro oo uu cadowgaas ugu midoobo taaso joojinta karto colaadaha aan dhammaadka lahayn ee aadanaha u dhaxeeyo. Tusaale, madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan ayaa ka yiri khudbadii uu ka jeediyay xarunta Qaramada  Midoobay sanadki 1987’di “waxaa marmar igu soo dhaco sida dhaqsaha ah ee aan isku dhinac u mari lahayn haddii cirfiid nasoo weeraro”.

Sidaas darteed maadaama uusan jirin dano ku dhisan mamd’a oo ka dhaxeeyo Soomaali iyo Oromo sida uu qiray petr ba, mahici karto in la yagleelo isbahaysi Oromo-Somali. Sidoo kale, ma jiro cadow u dhaxeeyo oo labaduba ay tahay inay iska ilaaliyaan kasoo ay hal dhinac ooga soo wada jeestaan sidii ay sameeyeen Amxaaro-Baantuugu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here