Home Arimaha Bulshada Daacish oo u digtay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya

Daacish oo u digtay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya

0
97

Afayaeen u hadley Daacish oo ay soo xigteen wargeyskaasi ayaa waxa uu sheegay in ay fahansanyihiiin in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn dhaq dhaqaaqyada ay Daacish ka wadaan Soomaaliya balse ay qaadi doonaan tilaabo waliba oo ay isaga difaacayaan dagaal ay kusoo qaadaan.

Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay ksuoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd.

Wax ay u muuqataa in Urur diimeedyada dagaalama ee geeska Afrika ay iyagu is qoomayaan taasi ayaana Dowladda dhexe ee Soomaalia u ah fursad balaaran oo ay ku kala dhantaali karto mar hadii iyagu dhexdooda uu dagaallo ka bilaawday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here