DEG DEG: Kala Carara Daqiiqado Ka Jiray Isgoyska Lambar Afar Muqdisho Kadib Markii Ay Mar Keliya…

0
80

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Ciidanka Dawlada Soomaaliya dhexdooda ku dagaalameen Agagaarka Isgoyska Lambar Afar.

Ciidanka Dagaalamay ayaa waxay ka kala tirsan yihiin Booliska iyo Guutada 14 October La yiraahdo.

Is rasaaseyn xoog leh ayaa meesha ka dhacday,waxaana ka dhashay Khasaaro Nafeed sida goob joogayaashu ay xaqiijiyeen.

Inta la og yahay Hal Askari ayaa dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Is fahmi waa soo kala dhex galay Labada Ciidan ayaana ay keentay inay Dagaalamaan,mana ahan mid kucusub muqdisho is rasaaseyn ciidanka Amniga dhexmarto dhexdooda.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Laamaha Amniga Dawlada oo looga hadlayo Shaqaaqadaasi maanta ka dhacday Bartanka Muqdisho Ee faras magaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here