XOG: Farmaajo oo Go’aan Geesinimo leh qaatay iyo Digniin loo diray Axmed Madoobe

0
272

Xog gaara oo ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku wargaliyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe inuu wada hadal la yeesho Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobalka Gedo intii uu awood u isticmaali lahaa.

Dadka ku nool Magaalooyinka waa weyn ee Gobalka Gedo sida Baardheere iyo Garbahaareey ayaa wada kacdoon ay ku diidan yihiin inuu Magaalooyinkaasi booqasho ku tago Axmed Madoobe.

Sarkaal ku sugan Villa Somalia ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusoo faragaliyay arrintan, isagoona Madoobe kaga digay inuu awood u isticmaalo shacabka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa wararka laga helayo Kismaayo waxay sheegayaan in ciidamada Militariga Jubbaland iyo kuwa Kenya uu doonayo inay si qasab ah ku joojiyaan Kacdoonka isaga looga soo horjeedo waxaana socda diyaar garow ku aadan wafdi ciimadaasi hogaaminayaan inay ka baxaan Kismaayo.

Talaabadan uu Madaxweyne Farmaajo ugu digay Axmed Madoobe ayaa sabab u noqon karta inuu ka baaqsado qorshaha uu doonayo inuu ku qabso dadka degan Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu Khadka Telfoonka kula hadlo dhigiisa Dalka Kenya isagoo doonaya inuu kala hadlo sidii Dowlada Federaalka ay ula socon laheyd Howlgalada qaar oo ay qaadayaan, wuxuuna si gaara kala hadli doonaa arrimaha Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here