XOG: Xasan Sheekh oo Thaabit iyo Fahad Yaasiin u Bandhigay Qorshe halis ku ah Farmaajo

0
193

Warar hoose oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu u bandhigay Fahad Yaasiin iyo Thaabit Cabdi qorshe ay ku midoobaan si ay iskaashi u sameeyaan.

Ilo wareedyo u dhow Xasan Sheekh ayaa inoo sheegay inay ka go’an tahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya inuu Garbihiisa ka dhigto Fahad Yaasiin Xaaji iyo Thaabit Cabdi Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiye u ah Xisbi ay ku midoobeen Xisbiyada Mucaaradka, waxaana sidoo kale uu wadaa qorshe uu ku balaarinayo dadka kala shaqeynaya sidii uu markale Madaxweyne kaga noqon lahaa Dalka.

Taliye kuxigeenka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin waxay saaxiibo dhow ahaayeen Xasan Sheekh xiligii uu dalka ka talinayay maadaama uu kaalin muhiim ah ka qaatay inuu dalka Madaxweyne ka noqdo sanadkii 2012.

Sidoo kale Fahad saameyn ayuu kulahaa go’aamada waa weyn ee Villa Somalia intuu dalka ka ariminaayay Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh balse markii dambe waxay isku dhaceen Cumar Cabdi Rashiid Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay Dowladii Xasan, waxaana taasi ay sababtay inuu ka mid noqdo Shaqsiyaadka u ololeynayay inuu dalka isbedel ka dhaco iyadoo isla si la mid ah 2012 uu saameyn weyn ku yeeshay doorashadii Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleystay.

Duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi waxaa siyaasadda soo galiyay Xasan Sheekh oo u yeeray isagoo ku sugan Dalka Mareykanka, inkastoo uu garabkiisa ka baxay xiligii ololaha doorashada, isagoona heshiis la galay Farmaajo oo Dalka Mareykanka ay Saaxiib dhow ku ahaayeen, waxaana da’diisa oo 40 sano gaarin xiligaasi uu ku waayay Kursiga Ra’iisul wasaaraha oo loo balanqaaday laakiin hada wuu 41-sano jirsaday.

Si kastaba ha ahaatee lama oga Thaabit iyo Fahad inay ku qanci doonaan qorshaha uu wato Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here