Xubin Sare Oo Katirsanaa Al Shabaab Oo Is Dhiibay +Magaciisa

0
184

Ciidamada Maamulka Jubbaland Ee kusugan Degmada Afmadoow Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa isku soo dhiibay Sargaal katirsanaa Ururka Al Shabaab.

Jubbaland ayaa sheegtay inay si diiran usoo dhaweysay oo dhibaato aan loo geystay Xubintaan Muhiimka ahayed Ee Dhinaca Shabaab kasoo baxday.

Sargaalka isa soo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Xuseen C/llaahi Maxamed Waxaana halka lagu soo bandhigayey kusugnaa Saraakiil Katirsan Maamulka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Afmadoow.

Waxay sheegeen in si wanaagsan loo qaabilay markii uu soo codsaday in uu kasoo goosanayo Shabaab,lana amaan geliyey.

Xuseen C/llaahi ayaa ka mid ahaa Dagaalyahanada Shabaab shantii sano ee lasoo dhaafay,isagoo kusugnaa ama ka howlgeli jiray Dhinaca Degmada Xarar dheere Ee Gobolka Mudug.

Waxa uu markii hore kaga biiray Al Shabaab Dhinaca Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe uu deegaan ahaan ku noolaa,iyadoo weli Al Shabaab aysan ka hadlin Xubintaan la sheegay inuu dhankooda ka goostay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here