Xiisada Shabab iyo ISIS oo 2 arrin oo kala duwan uga dhigan shacabka iyo DF?

0
51

Xiisadda u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana taasi ay fursad u tahay dowladda Soomaaliya iyadoo caqabad ay shacabka ku tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa heysata Fursad ay si weyn uga baabi’in karto magaalada Muqdisho kooxaha bastooladda wax ku dila, maadaama hadda dagaal uu ka dhex bilowday labada dhinac.

Fursadaasi ayaa ah inay si weyn kaga feejignaadaan saameynta ka dhalan karta dilalka xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish dhexdooda ee ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo hadda xogaha la hayo ay sheegayaan in labada dhinac dad badan oo dilalka fuliya inay isaga dileen magaalada Muqdisho.

Maxay isku hayaan

Labada Dhinac Daacish iyo Al-Shabaab ayaa isku haya labo arin oo muhiim u ah labada dhinac, waxaana ugu horeeya dhaqaalaha ay ka helayaan goobaha ganacsiga iyo shirkada waaweyn ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Arinta Dhaqaalaha ayaana ah tan ugu horeyso ee ay isku qabteen  Al-Shabaab iyo Daacish, maadaama ay doonayaan inay helaan dhaqaalo ay kusii wadaan howlgaladooda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay isku hayaan ka wada howlgalida hal magaalo, tusaale ahaan marka ay doonayaan inay ka wada howlgalaan magaalada Muqdisho wey adkaaneysaa maxaa yeelay koox walbaa waxay dooneysaa inay awood ku yeelato magaalada.

Sidoo kale koox kastaa ma dooneyso in kooxda kale ay ka cabsadaan dadka magaalada, taasina waa arinta labaad ee keeneysa inay isku dhacaan labada kooxood.

Arimahaasi ayaa caqabad ku ah Shacabka magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, waxaana ay dhibaato la kulmayaan marka dhaqaalaha laga doonayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here