XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Guuldaro la Kulmay iyo Khilaafka Maamul Gobaledyada oo..

0
153

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Wakaalada Warqaad.com u sheegay in ay Guul daro la kulmeen Waxgarad iyo Siyaasiyiin Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray inay dhex galaan Khilaafka Puntland iyo Dowlada Federaalka.

Masuuliyiintan ayaa Khadka Telfoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyagoo cadeeyay inuu diiday Madaxweyne Gaas wada hadal uu la galo Villa Somalia si loo dhameeyo Khilaafka kala dhaxeeya Dowlada.

Waxgaradka ugu saameynta badan deegaanada Puntland ayaa maalmahaan waday Olole ay dib ugu soo celinayaan Xiriirka Dowlada Dhexe iyo Puntland, iyadoo laga duulayo codsi kaga yimid Odayaashan Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa Mowqif adag ka taagan in dib loo soo celiyo xiriirka wada shaqeynta ee kala dhaxeeyay Villa Somalia isagoo doonaya in Doorashada Madaxweynaha ee soo socota aysan faragalin ku yeelan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa dhowr jeer ugu baaqay Madaxda Maamul Gobaleedyada wali ku kacsan Dowladiisa inay wada hadal ku dhameeyaan Khilaafka jira isagoo balanqaaday in Dowlada Soomaaliya ay xalineyso Tabashooyinka ay qabaan Hogaamiyayaasha Maamulada.

Si kastaba ha ahaatee Villa Somalia ayaa dooneysay inay si hoose u xaliso Khilaafka kala dhaxeeya Puntland maadaama ay sidan oo kale ugu guuleystaan in xiriir kala dhaxeeyay Hirshabelle lasoo celiyo ka dib Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Hirshabelle markii ay ka sahqeeyaan arrintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here