Diyaarad Gaar Ah Oo Saaka U Timid Madaxweyne Farmaajo Una Qaadi Doonta Mid Ka Mid Ah Dalalka Saameynta Ku Leh Soomaaliya

0
162

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu saaka ku wajahan yahay Waddanka Talyaaniga,iyadoo wafdi katirsan Dawlada ay Safarkaasi ku wehlin doonaan.

Warar hoose aan ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo uu Casuumaad ka helay Madaxda Dalka Talyaaniga,sidaana uu ku aadayo Waddankaasi.

Farmaajo ayaa la filayaa marka uu gaaro Magaalada Roma inuu la kulmo Madaxda Italy ayna kala hadli doonaan sidii loo sii kordhin lahaa taageerada talyaaniga uu siiyo Soomaaliya.

Qaban qaabada lagu soo dhaweenayo Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa laga dareemayaa Caasimada Italy waxaana lagu wadaa inta Madaxweynaha Soomaaliya uu kusugan yahay Dalka Talyaaniga uu la kulmo sidoo kale Jaalliyada Soomaaliyeed Ee Waddankaasi.

Talyaaniga ayaa ka mid ahaa waddamadii soo gumeystay Soomaaliya weliba waxa uu xukumi jiray Koonfurta Soomaaliya,ka hor inta aan xornimada laga qaaday sanadkii 1960-kii Bishii July 1-deedii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here