Qaraxyo Ka Dhacay Gobolka Bay,Itoobiyaan Oo Jab Xoog Gaaray & Wararkii Udambeeyey

0
166

Qaraxyo xoog leh ayaa maanta gelinkii hore waxay ka dhaceen Gobolka Bay waxaana hadda la helayaa warar hordhac ah.

Waxay Qaraxyadu ka dhaceen wadada udhaxeysa Bardaale iyo Baydhabo,iyadoo kollonyo gaadiid ah la weeraray.

Qaraxyada weli nuucooda lama sheegin balse khasaaro inay gaareen ayaa la sheegay ciidamada la beegsaday.

Al Shabaab oo mas’uuliyada qaraxyadaan sheegtay waxay shaaca ka dhigeen inay ka war heleen Uuro iyo qiiq ka baxayey meesha ciidanka lagu weeraray.

Dhankooda Al shabaab ma aysan soo bandhigin waxyeelada ka dhalatay Qaraxyadaasi Itoobiyaanka ay kula eegteen duleedka Baydhabo.

Secterka AMISOM ee ciidanka la weeraray weli kama aysan hadlin dhibaatada ka dhalatay Qaraxyadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here