XOG CUSUB: Turkiga oo Jartay Lacagihii uu Somalia siin jiray & Xiisada oo Cirka mareysa

0
202

Xog gaara oo ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Dowlada Turkiga ay wali wado Cadaadiska Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku saareyso Go’aankii ay kula safatay Boqortooyada Sacuudiga kadib Dilkii Jamal Kashoggi.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay si aan ka fiirsi laheyn ugu dhexday Xiisada Turkiga iyo Sacuudiga maadaama Xukuumada Ankara ay ka xumaatay in Dalkeeda qof Ajnabi ah lagu dilo taasoo yareyneyso Kalsoonida lagu qabo Xasiloonida Turkiga iyo Hay’addaheeda Amniga.

Qadiyadan Xasaasiga ayay aheyd inay faraha kala baxdo Dowlada Soomaaliya sida ay ku taliyeen Khuburo Soomaali ah oo arrimaha Dibada iyo Xiriirka Caalamiga ah ku taqasusay.

Warkan cusub aan helnay ayaa sheegaya in Turkiga ay Dowlada Soomaaliya ka jaratay Lacag 30-Milyan Dollarka Mareykanka oo sanad kasta uu siin jiray Dowlada Soomaaliya, iyadoo wali ay muuqato sida falkaasi ay kaga caroodeen.

Lacagtan ayaa aheyd Mid Dowlada Soomaaliya ay faa’iido badan ku qabtay maadaama ay kaabeysay Miisaaniyada Sanadka ee Dowlada, waxaana jira Codsi ay Somalia u gudbisay Turkiga oo ah inaysan lacagtaasi hakad galin walow aan Jawaab cad laga helin Ankara.

Waa Talaabadii Sedexaad oo Turkiga ay ku ciqaabeyso Dowlada Federaalka Soomaaliya iyadoo hore Safiirkeeda ugu wargelisay inuu yareeyo Dhaq dhaqaaqa uu ka wado Soomaaliya.

Sidoo kale Dowlada Turkiga ayaa ka reebtay Madaxweynaha Soomaaliya Wadamada Saaxiibka dhow ay la tahay oo ay ku casuuntay Dabaal dega sanad guuradii 95 aad ee dhalashada Jamhuuriyadda Turkiga inkastoo Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad loogu dabaal dagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here