Soomaaliya Oo Galabta Cagta Marisey Xulka Dalka Itoobiya & Dabaal deg ka Bilowday Jabuuti

0
414
Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliyo iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka Oleybikada Adduunka.

kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan wiilasheyna ayaa waxey soo bandhigeyn kubadd ay ku qancan taageerayasha u soo daawasho tagay ciyaartan.

qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku horkaceyso xulkeena waxaana goolka inuu dhaliyay Feysal Axmed, sidaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta xulkeena ayaa duulan xoogan ku ahaa shabaqada xulka Ethiopia si ay ugu dhaliyaan goolal kale balse ma aysan u noqon iney gool kale ka dhaliyaan xulka Ethiopia.

Waa taariikh kale oo maanta inuu soo hoyatay in aan ka badino xulka Ethiopia hore waxaa kaga soo adkaaday xulka 17-sano jirada maantna 23-sano jirada.

Tani waxaa mahad balaaran ku leh xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha kuwaaso oo isku xilqaamay iney xareeyan xulkeena taa oo maanta keentay inaan guul ka soo gaarno xulka aan jaarka nahay ee Ethiopia.

xulkeena waxey ka hareyn tartanka iyaago qaab farqi goolasha ku haray

Hambalyo Hambalyo Wiilasheyna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here