Doorashadii Koonfur Gabeed Oo War Aan La Fileyn Kasoo Baxay,Shirqoolada Siyaasadeed & Waxa Hoos Ku Jira

0
209

Waxaa mar kale dib udhacay Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 28 Bishaan,balse la leeyahay ilkaaniyaat-kii oo sidii la rabay loo diyaarin ayaa keentay dib udhac kale.

Gudiga Doorashada Qaban qaabinaya ayaa maanta ku dhawaaqay inay xaalado jira awgeed ay keentay baaqashada doorashada.

Qoraal kasoo baxay Gudiga ayaa lagu sheegay in Doorashada dib loogu dhigay Muddo Todobaad ah islamarkaana ay dhici doonto 5 Bisha soo socota Ee December.

Jadwalka sida ay doorashada uqabsoomeyso ayey dhinaca kale soo saareen Gudiga Doorashada K/Galbeed xilli Murashaxiinta ay shaki badan dareemayaan in ku shubasho ay dhacdo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDIGA DOORASHADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here