Jarmalka Oo Taageeradii Dawlada Dhexe U Wareejiyey Mid Ka Mid Ah Maamul Gobolleedyada & Sababta Jirta

0
309

Hay’ada GIZ ayaa Dowlad-gobolleedka Jubbaland guddoonsiisay ilaa lix baabuur oo ah nooca loo yaqaano Land cruiser Hardtop

Munaasabaddii wareejinta gawaaridaan waxaa goob joog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan, wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Jubbaland Aadam Ibraahim Aw Xirsi, Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic iyo qaarka mida masuuliyiinta hay’aadda Giz.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa markii uu gawaarida la wareegay kaddib waxa uu u mahadceliyey Hay’adda GIZ iyo Dowladda Jarmalka oo gaadiidkaan ku deeqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here