Wararkii Ugu Danbeeyay iyo Qasaaraha Qaraxyo Miino oo Maanta ka dhacay Muqdisho

0
253

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Miino ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah Labo Qarax oo  Nooca dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay degaanka Daarulsalaam ee Muqdisho.

Qaraxa Koowaad waxaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay 3 Askari.

Qaraxa labaad ayaa sidoo kale ka dhacay Wadada Jeneraal Daauud, waxaana la sheegay in uusan geysan wax Khasaaro ah, uuna ka dhacay meel wadada Hareerteeda ah.

goobjoogayaasha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Qaraxyadda ka dib Wadada Generaal Daauud ay yimaadeen Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya isla markaana baaritaano ka sameeyee.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa wadda Baaritaano ku aadan Qaraxyaddaasi lagu Aasaasay wadada dhinaceeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here