Madaxweynaha S/Land Oo Maanta La Kulmay Taariikh Uusan Fileyn Markuu Tegay Laas Caanood [Sawirro]

0
432

Banaanbax Rabshado watay ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Laas Caanood Ee Gobolka Sool,halkaas waxaa gaaray Maanta Madaxweyne Biixi Wafdi uu hogaaminayey.

Dad badan ayaa iskugu soo baxay Magaalada meelo ka mid ah,waxayna taas keentay in ay dibad bax rabshad watay ay abaabulaan.

Taas waxay keentay in ciidamada Soomaaliland ay kala ceeriyeen Iskusoo baxayaasha,waxaana muddo xaalada magaalada Laas caanood aheyd mid kacsan.

Dibad baxayaasha waxay kasoo horjeedeen Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ku tegay Magaaladaasi,xilli uu isaga dhag jalaq usiin isku soo baxayaasha.

Waxa lasoo warinayaa in Wafdiga Madaxweyne Biixi aad loo adkeeyey goobta ay kusugnaayeen,isagoo shaaca ka dhigay mar uu hadlay in Laas Caano iyo Tukaraq ay yihiin Dhul Soomaaliland Hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here