XASAASI: Korneel sheegay inuu diyaarsaday Ciidamadii uu ku Weerari lahaa Hargeysa

0
234

Iyadoo maalmo ka hor ay ahayd markii sarkaal ka tirsanaa Soomaaliland uu weeraray degmada Ceel afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa arintan waxaa ka hadlay sarkalkaasi.

Korneel Saciid Cawil Jaamac care oo ah sarkaalka weerarka ku qaaday Ceel afweyn xilli ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland ayaa sheegay in uu weerari doono Magaalada Hargeysa,  islamarkaana uu hayo qorshihii uu ku weerari lahaa ,isagoona sheegay in  ciidamo ay u joogaan halkaasi.

Sidoo kale korneel Caare ayaa sheegay inuu degmada Ceel afweyn ee Gobolka sanaag u weeraray sabab la xiriirta wasiiro ka tirsan Soomaaliland oo ku sugnaa waxaana uu iska fogeeyay inuu hurinayo colaada beeleedka ka taagan degmadaasi.

Maamlmo kahor ayay ahayd markii ciidan uu watay KorneelCaare ay weerareen degmaad Ceel afweyn ee Gobolka sanaag , waxaana Soomaaliland oo ka hadashay weerarkaasi sheegtay in ay ku raadjoogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here