Militariga Soomaaliya oo ku Dhawaaqay Qorshe Cabsi galiyay Madaxda Alshabaab

0
176

Taliska Qaybta Militariga Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay bilaabayaan duqeymo ka dhan ah Shabaab, si loo beegsado deegaanada Shabaab ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.

Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto oo ah Taliyaha qaybta 27-aad ee Militariga Somaliya ayaa u sheegay Warbaahinta, iyaga oo kaashanaya Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka inay fulinayaan duqeymahaasi.

Xubnaha ugu badan Shabaab ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu sheegay inay beegsan doonaan si loogu laayo duqeymaha dhawaan ka bilaaban doono Gobolka Hiiraan.

Taliye Koronta ayaa intaas ku daray in socodkii Ciidanka ee Baledweyne illaa Buulo Burte uu ka mid ahaa hawlgalka islamarkaana Miino ma, ahane aysan arag Al-Shabaab la dagaallama.

Xoogaga Shabaab ayaa Saldhigyo waaweyn & Xeryo ciidan waxa ay ku leeyihiin deeganada Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka abaabulaan dagaalada ay ku qaadayaan Xeryaha ay joogaan Ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Shalay ayaa Gobolka Hiiraan, waxaa tagay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo halkaasi u gaaray arrimo la xiriira tirakoobka rasmiga ah ee ciidamada lagu sameynaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here