Muuqaal: Mustafa Cagjar oo Oromada Fariin kulul u diray ‘Waan difaacaynaa Dhulkeena’ & Wuxuu soo Arkay (Video)

0
328

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar ( Cagjar ) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Jigjiga ayaa ka Warbixiyey waxyaabihii uu kusoo Arkay Safarkiii u tegay Gobolo kamid ah deegaanka Soomaalida.

Madaxwaynaya ayaa ka hadlay Dhulka Shacabka Soomaaliyeed laga Boobay oo la siiyey dad aan u dhalan deegaanka, “In dhulka la Boobi Jiray, waan ogayn markii horaba, Waxaanu u saaraynaa Gudi so baadhi doona , Dadkii Dhulkooda laga dhacay waa loo celin doonaa “Ayuu yidhi.

WUxuu ka hadlay Odayaasha dhaqanka iyo Siday Doorkoodii Hoos uga dhaceen “Odayaasha dhaqanku hadii ay wax ka qaban waayeen Siyaasaadda , waxay ahayd inay wax ka Qabtaan Diinta iyo dhaqanka, Hadiise aysan waxba ka qaban kuwaasina waxay ahayd inay Qalbiga ka diidaan oo aysan dhibaatada difaacin.” Ayuu yidhi Madaxwayne Cagjar.

Shirka Jaraa’id  ayaa madaxwaynuhu wuxuu kaga hadlay sidoo kale Kala duwan oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here