DAAWO VIDEO:-Taariikhda Sheekh Cabdi Weli Sh. Cali Cilmi Yare

0
427

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad muran badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay xarunta gudaha u galeen dabley hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Sheekh C/Weli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 13 kale oo xertiisa ka mid aheyd.

Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo Taariikhda Shiikh Cabdiweli oo uu dhalay Shiikh Cali Cilmi Yare oo ahaa wadaad Diinta Islaamka si weyn ugu faafiyey Gobolka Mudug kaasoo Diinta Islaamka Caalim ku ahaa.

Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here