Qarax Xoogan Oo Gaari Ah Goordhaweyd Caawa Ah Ka Dhacay Muqdisho & Warar Hordhac Ah

0
215

Qaraxaan ayaa waxa uu caawa Salaadii Cishaha markii la adimayey uu ka dhacay Wadada Warshadaha Ee Magaalada Muqdisho,iyadoo warar hordhac ah kasoo baxayaan.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nuuca Dhajiska loo yaqaan oo Gaariga lagu xiray,uuna watay nin la sheegay inuu degganaa guri ku yaalla Agagaarka Warshadii hore Ee Taraqa iyo Sigaarka.

Gaariga ayaa mar keliya qarxay xilli uu kusii xaroonayey guriga,guriga iyo gaarigii ayaan gubasho qaraxa kasoo gaartay,ciidamada Amniga ayaana halkaasi gaaray.

Lama oga Ninka la qarxiyey iyo waxa uu ahaa,warar ayaa sheegaya inuu ahaa Sargaal ushaqeenayey Dawlada Soomaaliya.

Qaraxaan Caawa fiidkii ka dhacay wadada Warshadaha ayaa kusoo aadaya xilli Maanta duhurnimadii uu Qarax Xoog leh uu ka dhacay Isgoyska Kaawo Godeey Ee Muqdisho oo shacab ku le’deen.

Naga filo warar dheeraad ah insha allaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here