KASHIFAAD: Rooboow Oo Bahdilay Murashaxiin Lafta Gareen Ka Mid Yahay & Dagaalka Oo Sii Kululaaday

0
109

Dagaalka Siyaasadeed Ee Ka Socda Baydhabo ayaa Cirka isku sii shareeraya marka loo Eego sida ay wax usocdaan iyo Baratanka Ololaha Doorasho Ee Socota.

Waxa Rooboow iyo Murashaxiinta ay ku tartamayaan sidi iay ku heli lahaayeen Codka Xildhibaanada Lacag iyo xod xodasho walbo ayaana la isku dayayaa in la sameeyo.

Xogta laga helayo baydhabo ayaa sheegaya in Abu Mansuur uu ka badiyey Lafta gareen iyo murashaxiinta kale marka loo qiimeeyo sida ay ololaha ugu jiraan.

Waxaa Lacag badan uu Rooboow siiyey Gudiga Doorashada qaban qaabinaya,oo laf dhabar u ah Doorashada 5 Bisha soo socota dhaceysa.

Murashax C/casiis Lafta gareen waxa uu isku dayayaa in hor istaag xoog iyo xeelad ah ku joojiyo Abu mansuur oo dedaaladiisa ay ka seed dheeraatay.

Ilo ku dhaw Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xaqiijiyey in Tallaabo yar uga dhiman tahay guusha ayna cadeyn doonaa daqiiqadaha udambeeya Doorashada.

Kalsooni badan ayaa Abu Mansuur heystaa,Dawlada Dhexe ayaa wadnaha farta ku heysa,maadaama Shabaabka ninkaan hore uga mid ahaa hadii uu guuleysto ay culeys kale ku noqon karto.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Abu Mansuur uu taageero ka helay inta badan murashaxiinta oo labo cisho ka hor xaqiijiyey inay isaga utanaasuleen.

Maanta ayaa waxaa Murashaxiinta la kulmay Gudiga Golaha Amniga Midowga Africa kuwaas oo baydhabo gaaray,islamarkaana codsaday in Amniga laga shaqeeyo xilliga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here