DAAWO SAWIRADA:-Mid ka mid ah Agaasimayaasha Idaacada Muqdisho Oo Gaarigiisa Qarax Loogu Xiray & Dhaawac Soo Gaaray

0
65

Wararka aan ka heleyno Wadada Maka Al Mukarama ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay meel udhaw Isgoyska Xaaji Baasto.

Qaraxaas ayaa ahaa miinada loo yaqaano dhejiska waxaana gaarigiisa loogu xiray Agaasimaha Idaacada Hiddo Ismaaciil Sheekh Khaliif.

Wararka waxay sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray Ismaaciil islamarkaana Xaaladiisa ay yara wanaagsan tahay.

Gaariga ayaa ahaa nuuca Raaxada waxaana miinada lagu dhejiyey Kursiga Darawalka oo ismaaciil fadhiyey.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid Khasaaro bur bur ah ugeystay Gaariga iyo dhaawaca Agaasimaha Hiddo Radio soo gaaray.

Agaasimihii Idaacadii STAR,Hadana uu ahaa Gudoomiyaha ururka Xuquuqda Wariyeyaasha Soomaaliyeed Ismaaciil Sh. Khaliif ayaa xaaladiisa hadda ay yara wanaagsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here