Dagaalka Gaas Oo Labo Afle Noqday,Cameey,Murashaxiinta & Dawlada Dhexe [Akhriso]

0
86

Dagaalka Siyaasadeed Ee Udhaxeeya Madaxweynaha Puntladn C/weli Cali Gaas iyo Kuxigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxa uu umuuqdaa mid cirka isku sii shareeraya.

Shalay waxaa Gudi ka kooban 8 Xubnood soo magacaabay Madaxweyne Gaas,Xalay ayaa isna gudi kale oo 8 xubnood ah waxa magacaabay C/xakiin Xaaji Cameey.

Labada Madaxweyne Gudiyada ay kala magacaabeen ayaa waxay ahaayeen,Gudiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Wakiilada.

Qaar ka mid ah Murashaxiinta utaagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Puntland ayaa muujiyey Taageerada Cameey ay u ahaayeen Gudiga uu soo magacaabay.

Tani waxay muujineysaa Cabdiweli Gaas dagaalka uu la kulmayo ee wejiyada badan,xilli Khilaaf uu kala dhaxeeyo dawlada Dhexe,Murashaxiinta iyo Cameey oo kuxigeenkiisa ah.

Magacyada Murashaxiinta waxay kala ahaayeen 16 Murashax

  1. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale)
  2. Eng. Cabdirizaaq Cabdullahi Jaamac (Jannagale)
  3. General Khaliif Ciise Mudan
  4. Eng. Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)
  5. Cali Xaaji warsame
  6. Maxamad Siciid (Morgan)
  7. C/samad Maxamad (Gallan)
  8. General Axmad Jaamac (Shaale)
  9. Mudane Mohamud Cabdi Maxamad
  10. General Siciid Maxamad Xirsi (Siciid dheere)
  11. Xuseen Axmad Xasan Fiqi
  12. Saciid Cali
  13. Dr. Maxamad Salaad (Qoryooley)
  14. Dr. Saadiq Eenow
  15. Xaaji Maxamad Yaasiin
  16. C/weli C/maan Geyre .    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here