DEG DEG:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gudiyada Joogtada Shir Deg Deg Ah Iskugu Yeeray

0
115

Wararka inaga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,ayaa sheegaya in shir deg deg ah la iskugu yeeray Gudiyada Joogtada Golaha Shacabka.

Warbaahinta ayaa si kooban loogu sheegay in kulankaan uu dhacayo galabta islamarkaana Gudoomiye Mursal uu shir gudoomin doono.

Qorshaha shirkaan ayaa ah sida la sheegay dejinta Ajandayaasha Golaha Shacabka,islamarkaana kulamada soo socda waxyaabihii laga hadli lahaa laga arinsanayo.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli Berri la filayo inuu safar Gudoomiye Mursal ku aadi doono Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Kulanka Galabta waxaa la filayaa inuu dhaco xilli ay jiraan buuq siyaasadeed oo Mursal & Madaxda Kale Ee Dawlada Dhexe,la iskuna qabtay Arinta Kala diristii Gudiga Maaliyada Ee Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here