Farmaajo Oo Abaal Marin Uga Dhigay Tarsan Xil Culus & Warqaad Oo 5 Bil Ka hor Ogaatay

0
163

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya laga yaabo dhawaan inay soo magacowdo Safiiro Cusub Oo Dalalka Caalamka ufadhin doona.

Warqaad ayaa ilo wareed ay heshay waxay xaqiijinayaan in Safiiradaas uu kasoo dhex muuqan doono Duqii Hore Ee Magaalada Muqdisho Ahaana Gudoomiyihii G.Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Wararka ayaa sheegaya in Tarsan laga dhigay Danjiraha Cusub Ee Soomaaliya ufadhin doona Kenya,balse ay udhiman tahay keliya saxiixa Madaxweynaha Digreetada lagu magacaabay

Safaarada Soomaaliya Ee Kenya waxaa muddo sanad kudhaw Shaqada sii haya,Danjire Bagadi oo badelay booskii Jamaal Maxamed Xasan Safiirnimada ka tegay.

Diblomaasiyiinta kusugan Nairobi Ee Soomaalida Ah ayaasheegay in Safaarada laga dareemay shaqadeeda hormar inta uu hayey Cali Bagadi Xilka Safaarada Kenya.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Ayaa Siyaasad ahaan udhawaa muddooyinkii dambe Dawlada Federaalka,waana mida keentay in Lataliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya uu ka mid noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here