Gudoomiye Mursal Oo Iska Diiday Dalabkii Madaxda Dawlada Berrina Safar Deg Deg Ahna Ku Tegaya Baydhabo

0
192

Waxaa weli jira is fahmi waaga ka dhex jira Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Madaxda Ugu Sareeysa Dalka,sida R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa ka biyo diiday inuu sharci ka dhigo kala diristii Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka,Inuu tartami Karin Mukhtaar Rooboow oo Dawladu diidan tahay balse Mursal uu kasoo horjeedo qadiyadaas iyo Ciidankii la geeyey Baydhabo oo lagu murmay qudhooda.

Madaxda Dawlada ayaa waxay seddexdaas Qodob sida uu uga istaagay Maxamed Mursal aysan ku qancin waana mida keentay in lagu kala tago kulamadii dhacay.

Ma jirto warbaahinta Xog ay heshay intaan ka badan,waxaase la helay akhbaar hoose saraakiisha Xafiisyada Madaxda ka shaqeysa oo xaqiijiyey in la isku mari waayey kulamadii dhacay.

Afhayeenka Golaha Shacabka waxa uu ku cel celinayaa inuusan ku qancin kala diristii gudiga Maaliyada Golaha Shacabka isagoo ku adkeystay inay shaqadooda sii wataan,xilli R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ay taas ka biyo diidan yihiin.

Berri Oo Arbaco ah ayaa waxa lagu wadaa in magaalada Baydhabo aado Gudoomiye Mursal taas oo sii cusleyn karta Buuqa Siyaasadeed Ee Jiray.

Inta uu Maxamed Mursal kusugan yahay Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Gudiga Doorashada,qaban qaabineysa iyo Murashaxiinta Xildoonka u ah Hogaaminta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ambassador Mursal ayaa Mar soo noqday Wasiirkii Difaaca Dalka ka hor inta Gudoomiyaha Golaha Shacabka loo dooran,kuna darso oo Xilkaan inuu helo waxaa usahlay R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo,lamana oga sida uu xaalka noqon karo hadii khilaafka sii socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here