Madaxda Alshabaab oo isaga cararay deegaano dhowr iyo Diyaarado Dagaal oo dul heehaabaya

0
100

Wararka naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Madax iyo Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ay isaga carareen kadib Diyaarado Joog hoose ku socda oo Howgalo ka fulinaya deegaanadaasi.

Ceel-garas, Xamur, Ceel-lahelay, Wamooleey iyo Ceel-qooxle oo Dhanka Koofur-bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Dadka Deegaanka waxay sheegeen in diyaarado ku socda jooga hoose ay Shacabka arkayaan, iyagoo ay muuqdaan Ciidamada saaran waxayna Mararka qaar ku soo dhowaanayaan Dhulka.

Al shabaabkii deeganaadaasi ku sugnaa ayaa isaga baxay iyagoo ka cabsi qaba inay duqeeyaan diyaaradaha ay leeyihiin Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya oo qeyb ka ah Howlgalada.

Dadka rayidka ayaa sheegaya in baqdinta Al shabaab ay gaartay inay ku amraan Shacabka inaysan usoo dhawaan Saldhigyada ay kaga sugan yihiin deegaanadaasi, iyadoona hore Bulshada kaga mamnuucay Isticmaalka Taleefoonada Smartphones-ka ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan Diyaaradaha Dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay Duqeymo ku laayeen Saraakiil iyo Dagaalyahano ka tirsanaa Al shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna bilaabeen Al shabaab inay ka baxaan Tuulooyinka Shacabku ku badan yihiin, iyagoo Howdka ku cararaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here