Madaxweyne Xaaf Oo Ka Guuleystay Baasto,Kulankii Maanta Dhuuuso mareeb & Xog Xasaasi Ah

0
163

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay Saraakiisha Booliska Galmudug,islamarkaana ay kawada hadleen Arimo kala duwan.

Waxyaabaha gaarka ah Ee Saraakiisha Booliska & Madaxweyne Xaaf ay Ka wada hadleen ayaa ka mid ah sidii Amniga looga Shaqeyn lahaa,iyo udabaal deggida Munaasabada Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo 20 December ku asteysan.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Galmudug Oo Kulanka Xaadiray waxay soo gudbiyeen Baahiyada ciidanka ay qabaan iyadoo Madaxweynaha uu ballan qaaday inay dabooli doonaan waxyaabaha ciidanka ka maqan inta karaankooda ah.

Saraakiisha Kulankaasi kaga qeyb galay Maanta Dhuuso mareeb ayaa lasoo sheegayaa inay badankood ahaayeen kuwo ka tegay Deegaanada kale,qaar waxaa ka mid ahaa ka yimid Cadaado oo Kulankaasina goob joog ka noqday.

Waxay umuuqataa in Xaaf uu ka guuleystay dhinaca Siyaasada Madaxweynaha Galmudug garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan (Baasto).

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here