Q/Midoobeey Oo Warbixin Murugo Leh Soo Bandhigtay 12 Cisho Gudaheed Oo La Kufsaday 100 Haween Ka Badan

0
81

Inkabadan 150 Haween ah iyo Gabdho aan qaan gaarin waxa la kufsaday 12 Cisho gudaheed,Dalka Koonfur Sudan.

Kufsigaan ayaa waxaa geystay koox ku labisneyd dareeska ciidanka Dawlada Koonfurta Sudan,warbixin ay soo saartay Qaramada midoobeey ayaana sidaa lagu xaqiijyey.

Meel udhaw Magaalada Wuqooyiga ku taalla Benitu Jamhuuriyada Koonfurta Sudan ayaana weerar ka dhacay kadibna tacadigaas kufsiga uu ka dhacay.

Seddex Qof oo madax ka ah,Hay’adaha Unicef,UN PF iyo UN Aid ayaana tegay Deegaanka oo warbixintaan soo gudbiyey heerka galmoodka xoogga aheyd Ee Haweenka loo geystay.

Qaramada Midoobeey Xubnaha ka socday waxay cambaareeyeen Weerarkaas iyo Kufsiga la sameeyey,iyadoo Dawlada K/Sudan ka dalbaday in Cadaalada la horkeeno dhagar qabayaasha ficilkaas xun sameeyey.

Sidaan oo kale waxaa dhakhaatiirta aan xuduuda laheyd Ee MSF ayaa isbuucii hore waxay sheegeen in 125 Haween ah oo Gabdho yar yar ku jireen la kufsaday,xilli ay kusugnaayeen Xarumaha Cuntada Gar gaarka qeybintooda kusugnaayeen.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres ayaa si cod dheer ah ku cambaareeyey Weerarkaasi ka dhacay Koonfur Sudan Ee Haweenka lagu kufsaday.

Waxaa Soo Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here