Xildhibaanada Jubbaland Oo Maanta Ku Dhawaaday inay Is Gacan Qaadaan & Buuq Ka Dhashay Kulanka [Sawirro]

0
87

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan maanta ka dhacay ay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ku sigteen inay is gacan qaadaan.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa midkii 64aad ee Baarlamaanka yeeshaan,waxaana ay ka doodayeen hindise Sharciyeedka Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xudduudaha Jubbaland.

Ka hor inta aysan Ansaxin Xildhibaanada waxaa jirtay Buuq ka dhashay Kulankaasi oo xildhibaanada qaarkood ay banaanka iskaga baxeen markii qodobada sharcigaas aysan ku qancin.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbalan waxaa soo xaadiray 55 mudane, waxayna cod gacantaag ah ku ansixiyeen Hanti dhowraha guud ee Jubbaland Cabdicasiis Sheekh Dayib.

Cabdicasiis Sheekh Dayib Hanti dhowraha Jubbaland ayaa markii xildhibaanadu ansixiyeen kaddib waxa uu Baarlamaanka ka horjeediyey hadallo u badan mahadcelin, isaga oo ballan qaaday in uu shaqadiisa u gudan doono si wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here