XOG: Gudoomiye Mursal oo ka Careysiiyay Farmaajo & Kheyre, Mukhtar Robow oo ku jira Qodobada la isku hayo

0
132

Xog gaara oo ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Khilaafka iyo isafgaran waaga u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Kheyre uu meel xun gaaray kadib Dhowr Qodob uu diiday Guddoomiyaha inuu gorgortan ka galo.

Guddoomiye Mursal ayaa ku adkeysanaya in Dowlada Dhexe ay ogolaato inuu tartamo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay hore u diiday inkastoo Howlahiisa uu iska wato Wadaadka kana mid yahay Musharixiinta ugu cadcad.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Ciidamada Dowlada ee la geeyay Magaalada Baydhabo dib loo soo celiyo si aysan dhibaato kaga imaan.

Madaxda Dalka ayaa ka biyo diiday in Ciidamada sugaya Amniga Doorashada dib loo soo celiyo.

Sidoo kale waxaa kulanka intuu socday uu Mursal codsaday in Howlahooda shaqo ay wataan Guddigii Maaliyadda uu kala diray Guddoomiyaha Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Madaxda Dalka ay ka caroodeen Qodobada uu hordhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo aan la ogeyn Talaabooyinka ay qaadi doonaan maadaama uu diiday inuu ka tanasulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here