Alshabaab goorta lala heshiyay ma naqaan markan tooganay taliyaheni ayaa…

0
201

Ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya kuna sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dalbaday in lasii daayo taliyahooda oo ay sheegeen inuu ku xiran yahay magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la xeray taliyaha galiyaha guutada 49aad ee ka howlgasha Gobolka Gedo, islamarkaana ay dalbanayaan in laga sii daayo xabsiga ku yaala magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamadan ayaa warbaahinta u sheegay in la xiray taliyahooda Faarax Cabdi nuur  kadib markii  degmada Baardheere lagu toogtay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Waxa ay baaq  u direen taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(indha-qarshe) iyo Saraakiisha Maxkamada Ciidamada,kaas oo ku aadan in lasii daayo taliyahooda oo ku xiran Magalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa sheegay in taliyaha uu u xiran yahay Al Shabaab lagu toogtay Baardheere, islamarkaana aysan ogeyn goorta Al Shabaab lala heshiiyay, maadaama ay fulinayeen amarkii ahaa in Al Shabaab lagu toogto halka lagu arko oo taliyaasha ka sareyso ay bixiyeen.
Taliyaha Ururka 49 aad waxaa la xiray bishii December ee sanadkii hore ilaa haddana waa xiran yahay, waxaana saraakiisha hadashay ay sheegeen in AL Shabaab la dilay darteed loo xiray taliyahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here