Ilhaan omar oo jawaab adag ka bixisay hadal kaga yimid Madaxweyne Trump

0
364

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah haweeney Muslim ah tii ugu horeeyay ee kamid noqotay Congress-ka Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump oo ka jawaabayay hadal horey ay u daabacday Ilhaan Cumar ayaa ka dalbaday inay iscasisho kadib markii uu difaacay Yahuuda oo wax badan ay dhaliilsaneyd Ilhaan.

Xildhibaan Ilhaan oo u jawaabeysay Trump ayaa sheegtay in haddii qof ay mudan tahay inuu isku casilo hadal la necbeystay inuu yahay Madaxweyne Trump inuu iska casilo xilka uu hayo, maadaama ay sheegtay in tan iyo noloshiisii inuu ku dhawaaqi jiray hadalo Naceyb ah.

Dhinaca kale Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka difaacay hadalada iyada ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah, waxaana ay u muujiyeen taageero.

Guddoomiyaha Golaha wakiillada aqalka hoose ee Mareykanka  Nancy Pelosi, ayaa Trump iyo xisbigiisa uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inaysan marnaba iska casili doono xilka loo doortay, waxaana ay cadeysay in madaxweyne Trump isaga ay haboonaan laheyn inuu is casilo, sababtoo ah waxay sheegtay inuu ku jiro Islaam Naceyb badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here